HomeAll newsWaa kuma Butafaliqa Madaxweynaha is casilay ee Aljeeriya?

Waa kuma Butafaliqa Madaxweynaha is casilay ee Aljeeriya?

Cabdil-caziiz Butafaliqa

Kadib lix todobaad oo xiriir oo ah oo shacabka Aljeeriya ay dhigayeen banaanbaxyo waaweyn, waxay ugu dambeyn ku guuleysteen iney talada ka tuuraan hogaamiyihii sanadaha badan maamulayay wadankaas ee lagu magacaabo Cabdil-caziiz Butafaliqa.

Maalintii Talaadada ee aynu soo dhaafnay, ayuu Cabdil-caziiz Butafaliqa wuxuu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxtnimada, taas oo meesha ka saartay rajadii horey ugu taamayay ee ahayd inuu mar shanaad isu soo taago xilka madaxtnimada.

Marka dib loo eego taariikhda ninkan, wuxuu dhashey sanadkii 1937-dii miilaadiyada, isagoo aan dhameyn waxbarashadiisa dugsiga sare ayaana la sheegay inuu ku biiray kooxihii muqaawamada ee kasoo horjeeday gumeysigii Fransiiska.

Jagooyin kala duwan iyo howlo kala gedisan ayuu kasoo qabtay kacdoonkii Aljeeriya, waxaana Butafaliqa markii xurnimada haafka ah ay gaartay Aljeeriya sanadkii 1962-dii uu kamid noqday xubnihii Faransiisku aas-aasay ee loogu talagalay iney sii maamulaan wadanka Aljeeriya.

Jagooyinkii muuqday ee uu Butafaliqa ka qabtay dowladii koowad ee ka dhisanta Aljeeriya waxaa kamid ah wasiirkii dhalinyarada iyo sportiga, wasiirkii arimaha dibadda iyo kuwa kale, waxaana lixdameeyadii uu Butafaliqa kamid ahaa dadka ugu cad cad ee siyaasadda arimaha dibadda Aljeeriya.

1981-dii, wuxuu Butafaliqa ka tagay wadanka Aljeeriya, kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii xilligaas ee Aljeeriya, waxaana markaas soo baxay warar sheegayay in Butafaliqa uu ku lug leeyahay arimo musuq maasuq oo xoog leh.

1987-dii ayuu hadana kusoo laabtay Aljeeriya, waxaana uu xubin ka noqday xisbigii xureynta, waana halka ay kasoo billaabatay in ninkan uu u hanqal taago kursiga ugu sarreeya Aljeeriya.

1999-kii, wuxuu kamid ahaa lix musharrax oo u tartamay xilka madaxtinimada, waxayna guushu raacday Butafaliqa, sidaas ayuuna ku noqday madaxweynihii todobaad ee Aljeeriya, tan iyo markii ay qaadatay xurnimada aan dhameystirneyn.

Markale, 2004-tii doorashooyin ayaa ka dhacay Aljeeriya, butafaliqana wuxuu kamid ahaa dadkii ugu cad cadaa ee tartamayay, waxaana isagoo taageero ka helaya inta badan axsaabtii siyaasadeed ee jirtay uu helay codad gaaraya 85%, taas oo markale ka dhigtay madaxweyne.

Wixii ka dambeeyay sanadihii 2004-tii, wuxuu Butafaliqa u kaba gashtey inuu isbedel ku sameeyo dastuurka dowladiisa, si ay ugu suuragasho in mar sadexaad uu u tartamo xilka madaxtnimada, doorasho dhacday 2009-kiina, wuxuu markii sadexaad noqday madaxweynaha Aljeeriya.

2013-kii waxaa Cabdil caziiz Butafaliqa kusoo booday xanuun kedis oo dhinac maskaxda ah, waxaana sadex bilood uu ku jiray isbitaal ku yaala dalka dibadiisa, xilligaas dad badan waxay qiyaasayeen in masiiradii siyaasadeed eee Butafaliqa halkan kusoo idlaatay.

Sanadkii 2014-ka, wuxuu Butafaliqa sheegay inuu u tartamayo markii afaraad xilka madaxtnimada, waxaana inkastoo qaar kamid ah axsaabta ay mucaaradeen, hadana uu helay codadka ugu badan ee doorashada, sidaas ayuuna markii afaraad ku noqday madaxweynaha Aljeeriya.

Tallaabooyinkii ugu horeeyey ee uu qaaday guushan afaraad kadib, waxaa kamid ahaa inuu bedelay hogaankii sirdoonka, kaas oo uu taliye ka ahaa jeneraal Muxamed Madiini Makki.

Markii shanaad ayuu Butafaliqa damcay inuu noqdo madaxweyne, balse waxay ku noqotay damicii uu ku waayay bilihii uga dhinnaa madaxtooyada, shacabka Aljeeriya oo careysan ayaa isugu soo baxay fagaaryaasha waaweyn ee wadanka, iyagoona si cad u sheegay iney diidanyihiin in mar shanaad uu Butafliqa u tartamo doorashada.

Inkastoo Butafaliqa aanu wax weyn u arkin markii hore banaanbaxyada, hadana wuxuu xaqiiqda ogaaday markii shacabka Aljeeriya ay todobaadyo xiriir ah wadeen bananabaxyada, iyagoo sheegaya inaaney joojin doonin.

Butafaliqa oo ku maqnaa safar caafimaad oo dhinaca dibadda ah, ayaa markii uu soo laabtay, wuxuu sheegay inuu ka tanaazuley musharaxnimada, balse uu sii dheereystay waqtiga uu sii ahaanayo madaxweynaha, illaa laga dhisayo gole ballaaran oo go’aan ka gaara aayaha Aljeeriya.

Shacabka ayaa arinkaas markale maya yiri, waxaana Butafaliqa uu waayay jeneeraallo muhiim u ahaa xukunkiisa, oo uu kamid yahay taliyaha ciidamada Aljeeriya Axmed Qaayid Saalax.

Ninkan oo malamihii hore ee bananabaxyda ugu hanjabay shacabka Aljeeriya masiir lamid ah shucuubta Masar iyo Suuriya, ayaa markii uu yaqiinsaday in doonida Butafaliqa ays ii degeyso, wuxuu billaabay inuu jeediyo hadallo dabacsan oo uu doonayo inuu kusoo jiito shacabka.

Madaxweyne Butafaliqa ayuu ugu baaqay inuu xilka ka dego, ciidankuna ay la safanyihiin shacabka Aljeeriya, balse shacabku ma illoobin hadalladii uu jeediyay todobaadyo kahor, ee hanjabaadda ahaa, waxayna cod dheer ku yiraahdeen “ waxaan dooneynaa Butafaliqa iyo nidaamkiisa oo idil iney dhacaan”.

Is casilaada Butafaliqa waxaa dareen farxadeed kusoo dhaweeyey shacabka ALjeeriya, waxaana dhacay banaanbaxyo loogu dabaal degayo guusha horudhac ah, balse reer Aljeeriya waxay sheegeen in iyagoo wax ka baranaya kacdoonnadii guga carbeed ay sii wadi doonaan bananabaxyada, illaa meesha ay ka baxayaan gebi ahaan rumuuztii nidaamkii hore.

Dastuurka Aljeeriya ayaa dhigaya in haddii madaxweynaha uu is casilo uu talada sii haynayo gudoomiyaha baaarlamaanka, balse hadda kursiga madaxtinimada Aljeeriya waa mid banaan, sababtoo ah gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kamid ahaa raggii ugu dhawaa Butafaliqa, dadkuna waxay sheegeeen ineysan ku qanacsaneyn.

Kooxaha mucaaradka ayaa soo jeedinaya in la helo qof la isku waafaqo, oo aan wax kaalin ah ku lahayn nidaamkii hore, taas oo sida muuqata mustaxiil noqon karta, maadama ciidanka iyo sirdoonku aysan dooneyn in qofkale uu kursiga ku fadhiisto.

Dowladaha Yurub iyo Marayknaka oo sheeda sare ka daawanayay bananabaxyada, ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan tallaabada uu qaatay Butafaliqa, waxayse dad badan aaminsanyihiin in dowladahas ay dejinayaan shirqoollo iyo dabinno ka dhan ah shacabka muslimka ah ee Aljeeriya.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular