HomeAll newsSuudaan oo koronto la'aan ah iyo baraha Bulshada Oo la xiray.

Suudaan oo koronto la’aan ah iyo baraha Bulshada Oo la xiray.

Iyadoo weli shacabka Suudaan ay dhigayaan dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan siyaasadda iyo maamulka Cumar Al-bashiir, ayaa dowladda Suudaan waxay u muuqataa mid kusii adkeysaneysa dhibaateynta shacabkeeda.

Habeenkii xalay illaa iyo maanta waxaa la xaqiijiyay inaaney jirin wax koronto ah oo laga isticmaalayo dalka Suudaan, dadkuna waxay xalay ku hooydeen mugdi iyo gudcur, iyadooo taasi ay dhalisay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Korontada ayaa kamid ah waxyaabaha aan xilligan laga maarmin, gaar ahaan wadamada caalamka, maadaama korontada lagu qabto howlo badan, sida adeegyada caafimaad oo intooda badan ku shaqeeya korontada, iyo goobaha waxbarashada oo laga isticmaalo.

Wasaaradda waraabka iyo korontada ee xukuumadda Suudaan oo war soo saartay ayaa sheegtay iney korontadu ay maqantahay, islamarkaana injineerada wasaaradda ay ka howlgalayaan, mana soo hadal qaadin bayaanka sababaha keenay in korontadu go’do.

Sidoo kale xukuumadda Suudaan ayaa gebi ahaanba xirtay baraha bulshada oo kamid ah meelaha ay dadka reer Suudaan kusoo gudbin jireen habsami socodka banaanbaxyadooda.

Tallaabadan ayay dowladdu ku dooneysaa iney ku hakiso in shacabka Suudaan ay helaan wax tacaadhuf iyo taageero ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular