HomeAll newsSiisi oo la kulmay Trump.

Siisi oo la kulmay Trump.

Magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka waxaa booqasho ku jooga madaxweynaha maamulka afgembiga Masar Cabdil-fataax As-siisi, kaas oo la kulmay Donald Trump.

Trump ayaa kulan kooban la qaatay dhigiisa Masar, waxayna kawada hadleen arimaha waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale, iyadoona Trump uu amaan xad dhaaf ah u jeediyay Siisi.

Siisi ayuu ku tilmaamay inuu yahay madaxweyne weyn oo qabanaya howl adag oo aad muhiim u ah, wuxuuna ka gaabsaday inuu soo hadal qaado xaaladd dhabta ah ee ka jirta dalka Masar.

Hay’ado dhowr ah oo ka hadla arimaha xuquuqda Insaanka iyo xubno katirsan Congreska Maraykanka ayaa soo jeediyay in Trump uu Siisi kala hadlo arimaha xabsiyada iyo xurriyada Masar.

Trump ayaa codsigaas laalay, waxaana howsha uu Siisi ka wado Masar ee xadgudubka ah uu ku tilmaamay arin wanaagsan oo weyn.

(leaguefeed.net)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular