Fiidnimadii caawa waxaa jugta qarax weyn oo laga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho uu ka dhacay isgoyska Ex control Balcad ee degmada Huriwaa.
Qaraxa waxaa lala helay gaari nooca xamuulka ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada Shisheeyaha, waxaana gaaray burbur xoog leh.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in askartii shisheeyaha ee ka badbaaday qaraxa ay rasaas fureen, walow aysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso shisheeyaha iyo xubnaha dowladda federaalka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.