Todobaadkan dalka Afqaanistaan waxaa ka dhacay silsilado weeraro waaweyn oo lagu gumaaday malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul ee ay shisheeyaha Maraykanku ka dhiseen wadankaas.
Weerarada oo ahaa kuwa waaweyn oo si adag loo soo abaabulay, ayaa ka kala dhacay gobollo badan oo wadanka kamid ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaray malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, inkastoo weerarada qaar ay waxyeello kasoo gaartay ciidamada Maraykanka.
Weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Qalaat ee xarunta gobolka Zaabil waxaa lagu dilay 15 askari oo katirsan ciidamada Police-ka xukuumadda Kaabul, halka ay mujaahidiintu gacanta ku dhigeen gaari nooca Hamvyga ah.
Waxaa intaas dheer saanado milliteri oo hubka noocyadiisa kala duwan isuga jirta, kuwaas oo ay ciiidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistan gacanta ku dhigeen.
Dhin ac kale, howlgallo isuga jiray weerar iyo weerar ka hortag ayay ciidamada Imaarada islaamiga ka fuliyeen gobollada Rozjaan iyo iyo Baadqis.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Imaarada ayaa weeraray labo saldhig oo ku yaala meel u dhow magaalada Murqaab ee gobolka Baadqiis, waxaana weeraraka oo ahaa mid aad u culs khasaare adag lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul.
Faafaahin kasoo baxay weerarkas waxay sheegeysaa in goobta lagu dilay 19 askari, halka kuwa kale oo nool ay mujaahidiintu kaxeystaan, waxaana jira hub iyo sanaado milliteri oo aad u badan oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Imaarada.
Sido kale ciidamada Imaarada, ayaa ka hortagay weerar ay ciidamada shisheeyhaa iyo kuwa xukuumadda Kaabul kusoo qaadeen deegaanno katirsan gobolka Roozjaan.
Dagaalka oo in muda ha socday, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxay mujaahidiintu ka takhaluseen 25 askari oo katirsna malleeshiyaadkii hor kacayay ciidamada duulaanka soo qaaday.
Gobolka Neymaruuz ayaa kamid ah meelaha ay ciidamada mujaahidiintu todobaadkan weerareen ee kamid ah wadanka Afqaanistaan, waxaana weerar xilli habeen ah ay todobaadkan mujaahidiintu k uqaadeen fariisin ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul lagu dilay 20 askari, oo uu ku jiro sarkaalkii heysta ciidamada, halka lagu dhaawacay 5 kale.
Isla todobaadkan, ciidamada mujaahidiinta Dhaalibaan a yaa weerar ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen malleeshiyaad si toos ah uga amar qaata shisheeyaha, kuwaas oo ku sugnaa qyebo kamid ah gobolka Balakh.
Weerarka oo dhacay xilli habeen ah, waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday 23 askari oo katirsan malleeshiyaadka la weeraray, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Dhinac kale, ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa kumaandooska xukuumadda Kaabul, waxay todobaadkan howlgallo kala duwan oo ay dad shacab ah ku gumaadeen waxay ka fuliyeen gobollo dhowr ah oo kamid ah Afqaanistaan.
Ciidamada Maraykanka ayaa duulaan xilli habeen guureyn ah waxay ku qaadeen degmada Qaysaar ee gobolka Faryaab, galbeedka dalka Afqaanistaan.
Waxay degmadan ku dileen ugu yaraan 9 ruux ooo u badan dumar iyo caruur, halka ay qafaasheen lix ruux oo kale, oo dhamaantooda ah dad shacab oo aan waxba galabsan.
Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan oo ka war helay duulaanka ciidamada Maraykanka io gumaadka ay ka fuliyeen Qaysaar, ayaa weerar qorsheysan ku qaaday goobta ay soo degeen ciidamada Maraykanka.
Dagaal kooban oo muda qaatay kadib, waxay mujaahidiintu ku guuleysteen iney dilaan labo askari oo katirsna ciidamada Maraykanka, walow ay jiraan khasaare intaas kabadan oo aan la helin xogtiisa rasmiga ah.
Waxay sidoo kale, diyaaradaha Maraykanka todobaadkan duqeymo arxan darro ah ka fuliyeen suuqa weyn ee degmada Maarija ee gobolka Helmand, waxaana goobta ku dhintay shan ruux oo shacab ah, halka uu dhaawacmey mid kale.
Ciidamada Maraykanka ayaa si joogta ah waxay dalka Afqaanistaan kaga wadaan weerarada gumaadka ah ee ka dhanka ah dadka shacabka, si taas lamid ah Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay gumaadka wuxuushnimada ah kawadaan. Waxaana ugu dambeysya weerar habeen hore ay kusoo qaadeen deegaanka Ugunji ee shabeellaha hoose, kaas oo ay ku dileen haweeney kamid ah dadka deegaanka.