
Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in rag hubeysan ay afduubteen haweeney Maraykan ah oo dalxiis u joogtay wadankaas.
Ciidamada amaanka ayaa sheegay in haweeneyda lagu afduubtay goob lagu dalxiiso oo ku taalla meel u dhow xuduuda Uganda iyo Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo, waxaana lala kaxeystay labo qof oo la socotay.
Kooxda Afduubka geystay ayaa iyagoo adeegsanaya teleefanka haweeneyda ay afduubeen, waxay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareysa $500.000 oo ah Nus milyan oo doollar.
Ciidamada Police-ka ayaa wada dadaallo lagu raadinayo haweeneyda Maraykanka ah ee la afduubtay, waxaana la ogeyn sida uu xaalka ku dambeyn doono.
Uganda ayaa kamid ah wadamada dhaca qaaradda Africa, ayna usoo dalxiis tagaan muwaadiniin reer galbeed ah, waxaana wadanka sanadihii dambe laga deyrinayay xaaladiisa amaanka.