Wararka naga soo gaaraya gobolka Baadqiis ee dalka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in gobolkaas uu marti gelinayo dagaallo culus oo dhexmaraya ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan iyo malleeshiyaad katirsan xukuumadda Kaabul.
Dagaalka ugu culus wuxuu ka socdaa magaalada Murqaab, halkaas oo aroornimadii hore ee saaka ay duulaan ballaaran ku qaadeen ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, kuwaas oo jihooyin kala duwan ka weeraray magaalada.
Warar horudhac ah oo la helayo waxay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen xarunta maamulka magaalada, xabsiga guud iyo goobo kale oo muhiim ah oo uu ku shaqeynayay maamulka magaalada Murqaab.
War kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen inta badan magaalada, islamarkaana ay furteen saanado milliteri oo ka kooban hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaallo kuwaas la mid ah waxay ka socdaan degmada Aab-kamri ee isla gobolka Baadqiis.
Waxay yimaadeen dagaalladan kadib markii ciidamo katirsan kuwa xukuumadda Kaabul oo helaya taageero dhinaca hawada ah oo ay siinayaan ciidamada Maraykanka ay isku dayeen iney soo ceshtaan gacan ku heynta degmada oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada Dhaalibaan.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa si adag uga hortagay duulaanka lagu soo qaadya degamada Aab-kamri, waxana weli socda dagaallo culus, iyadoona ay jiraan gawaari dagaal oo laga gubay askarta xukuumadda Kaabul.
Wixii kusoo kordha dagaalladan ka socda wadanka Afqaanistaan waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.