Askartan oo kusugan degmada Xudur ee xarunta goblka Bakool ayaa weerar kuqaday xafiiska gudoomiyaha mamaulka konfur galbeed ugu magcaban goboolkaas.
Ciidamdan oo kagadooday mushar la’aan iyo nolol xumo kuheystay difaacyada ayaa kala wareegay gudomiyaha xafiis kiisa wexeyna dalbadeen in si deg deg ah loo siiyo mushaarkooda iyo saadkooda.
Maxamed Cabadi Tool oo ah gudoomiyaha xafiiskiisa la weeraray ayaa warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in maamulkiisu xitaa qaadanin wax mushaar ah, iskaba daa ciidamadee.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadan gadoodsan laga yaabo iney dhac iyo baarasho kula kacaan dadka shacabka ah ee degan magaalada Xudur.
Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa soo badnayay askarta ka gadoodaya mushar la’aanta kuwaaso qaarkood weeraro kuqaday xarumo ay leedahay dowladda federaalka.