Qarax xoogan ayaa lala eegtay gaari nooca Cabdi bilaha ay Soomaalidu u taqaan oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.
Wuxuu qaraxu ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Sabiid iyo Mareerey, iyadoona gebi ahaanba uu burburay gaariga la qarxiyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askarii saarneyd.
Inta la xaqiijiyay 7 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 3 askari oo kale, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu garaab tahay oo ay liidato.
Askarta dhimatay waxaa ku jira Taliye horin lagu magacaabo Max’med Dheere oo kamid ahaa saraakiisha hor boodeysa ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada dowladda ee la qarxiyay ayaa kamid ah kuwa milliteriga dowladda federaalka, kuwaas oo dhawaan soo gaaray deegaanka Sabiid, waxaana durba muuqata in ciidamadan ay ku billowdeen howlgallo qorsheysan.
Qaraxan askarta badan lagu dilay ayaa kusoo aadaya, xilli dhawaan qarax ciidamada Shisheeyaha lagula eegtay deegaanka Buula-mareer lagu dilay dhamaan askarii saarneyd gaariga Tawga, halka uu basbeelay gaariga ay mujaahidiintu Qarax la eegeen.