HomeAll newsAfricom: Dad Shacab ah ayaan ku dilnay gobolka Galgaduud.

Africom: Dad Shacab ah ayaan ku dilnay gobolka Galgaduud.

Gabar dhalneyd 20 cisho oo ku dhimatay duqeyntii Maraykanku ka fuliyay Kuunyo-barrow.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa qirtay in duqeyn diyaaradeed oo ay diyaaradahooda ka fuliyeen bartamaha Soomaaliya ay ku dileen dad shacab ah.

Africom waxay sheegtay iney ogaatay in duqeyn bishii April ee sanadkii 2018-ka ka fuliyeen duleedka magaalada Ceelbuur ay ku dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana Africom xilligaas ay ku dooday in dadka ay beegsatay ay yihiin dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Gaari nooca raaxada ah oo kasoo baxay magaalada Ceelbuur ayay saarnaayeen dadka la beegsaday oo ay ku jireen nabadoonno caan ka ah gobolka Galgaduud, dumar iyo caruur, waxaana ay kala ahaayeen Nabadoon Cali hareed, Abwaan Yuusuf Dhagey, iyo haweeney lagu magacaabo Luul Daahir Maxamed iyo gabadheeda Maryan oo hal sano jir ahayd.

Dowladda Maraykanka ayaa dhaqan ka dhigatay in marka ay dad shacab ah xasuuqdo ay ku tilmaamto iney ahaayeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab, balse waxaa dhawaan warbixin kasoo baxday hay’adda u dooda xuquuqda Insaanka ee Amnesty International ay shaaca ka qaaday in Maraykanku dembiyo dagaal ka geysanayo Soomaaliya.

Inkastoo Africom ay sanad kadib qiratay dadkii ay ku gumaaday duleedka Ceelbuur, hadana waxay weli ku adkeysaneysaa in duqeymo dhowr ah oo Soomaaliya ay ka fulisay, kuna dhinteen dad shacab ah, ay dadkaas ahaayeen xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso warbixin ay hay’adda Amnesty kasoo saartay duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

https://rnaqlin.somservers.xyz/2019/03/amnesty-international-oo-sheegtay-in-maraykanku-shacab-ku-laayo-soomaaliya/

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular