HomeAll newsXog: Masuuliyiin kasocda Soomaali-land oo booqday Talla'biib.

Xog: Masuuliyiin kasocda Soomaali-land oo booqday Talla’biib.

Muusa Biixi; Hogaamiyaha maamulka Soomaali-land

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in masuuliyiin ka socda maamulka  Soomaali-land ay booqasho ku tageen magaalada Talla’biib ee caasimada u ah Yahuudda, kana mid ah dhulka xooga lagu heysto ee Filastiin,

Madaxda ka socota Soomaali-land ayaa Talla’biib u tagay si ay ula kulmaan madaxda maamulka Israa’iil, ugana wada hadlaan in xiriir muuqda oo toos ah uu dhexmaro Yahuudda iyo gobollada Wuqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Wariye Yahuudi ah, kana ag dhow madaxda sare ee maamulka Israa’iil ayaa bartiisa Twitterka wuxuu ku xaqiijiyay in madax ka socota Soomaali-land ay booqasho ku joogaan dhulka ay xooga ku heystaan Yahuuda ee Filastiin.

Xogta la helayo oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin waxay ku waramaysaa in wafdiga Soomaali-land ee booqday dhulka ay Yahuudu xooga ku heystaan uu hogaaminayo wasiirka dastuurka ee Soomaali-land, waxaana ay si toos ah ugu dhawaaqi doonaan xiriir diblumasiyadeed oo dhexmara Yahuudda iyo maamulka Soomaali-land.

Axsaab siyaasadeed oo katirsan  mucaaradka dowladda federaalka ayay xogo kale tilmaamayaan in bisha nagu soo aadan booqan doonaan  Talla’biib, si ay kulamo ula yeeshaan madaxda maamulka Yahuudda.

Arintan ayaa kusoo aadeysa, xilli dhawaan mustashriq Yahuudi ah oo ka hadla arimaha Africa uu shaaca ka qaaday in maamulka Soomaali-land door bidayo inuu xiriir muuqda la yeesho maamulka Yahuudda.

Mooshi Tredman, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan labo dowladood oo kala ah Soomaaliya iyo Soomaali-land, balse Soomaali-land ay door bideyso in si muuqda ay xiriri toos ah ula sameyso Israa’iil, si taas bedelkeeda ay iyaduna uga hesho ictiraaf rasmi ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular