Waxaa inta badan xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, oo maalintii labaad uu ku suganyahay madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa dowladda ayaa taagan wadooyinka Muqdisho ugu muhiimsan, gaar ahaan Makka Al-Mukarrama, kuwaas oo diidaya iney dadku isaga kala gudbaan iyagoo gawaari adeegsanaya wadooyinka caasimadda.
Inkastoo dowladdu aysan si toos ah uga hadlin sababaha rasmiga ah ee wadooyinka ay u xiranyihiin, hadana waxay reer Muqdisho la qabsadeen in mar weliba oo uu imaanayo madaxweyne Shisheeye ama ay soo degayaan masuuliyiinta dowladda la cunaqabateeyo Shacabka.
Waxaa la arkayay dad aad u farabadan oo lugeynaya, kuwaas oo u socda dano kala duwan, qaar ayaa ardey ah, kuwana waa ganacsato, waxaana jira dad waayeello ah ama hooyooyin foolanaya oo xayiraada wadooyinka ay dhib ku tahay.