Waxaa soo baxaya xogo muhiim ah oo laga helayo qaar kamid ah dadkii ku dhintay burburkii diyaaradda Itoobiya ee maalintii shalay, waxaana tiro badan oo kamid ah dadkaas ay ahaayeen xubno muhiim u ah Qaramada Midoobay.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 19 kamid ah dadkii ku dhintay burburka diyaaradda Ethiopian Airline ay ka tirsanaayeen Qaramada Midoobay, kana howlgalayeen xafiisyadeeda kala duwan.
7 kamid ah 19-ka, waxay ka shaqeynayeen hay’adda cuntada aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP, halka 2 kalana ay ka shaqeynayaan hay’adda Qoxootiga aduunka ee UNHCR, waxaana hay’adda Isgaarsiinta aduunka ee ITU iyadana kaga dhintay labo ruux.
Hay’adda beeraha ee Qaramada Midoobay magaceedana loo soo gaabiyo Fao, bankiga aduunka, hay’adda socdaalka aduunka, iyo xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliyana waxaa kaga dhintay mid hal ruux, taas oo ka dhigeysa wadartooda afar ruux.
6 qof oo kamid ah shaqaalaha xafiiska Qaramada midoobay ee wadanka Kenya ayaa sidoo kale la xaqiijiyay iney ku dhinteen burburka diyaaradda Boeng 737, oo ka duushey magaalada Adis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairoobi ee caasimadda Kenya.
“19 kamid ah shaqaalaha kala duwan ee xafiisyada Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay burubrka diyaaradda Ethiopian Airline” ayuu yiri madaxa hay’adda socdaalka Aduunka Atonio Vitrino.
Inkastoo Qaramada Midoobay ay qirtay in 19 kamid kaga dhimatay burburka diyaaradda, hadana waxaa muuqata in isku darka tirada ay intaas ka badantahay.
Mid kamid ah shaqaalaha xafiiska hay’adda socdaalka ee ku dhintay burburka diyaaradda waxaa lagu magacaabaa Anne Figal, wuxuuna in muda ah kasoo shaqeeyay wadanka Suudaan.
Fillippo Grandi oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’adda UNHCR kuna sugan magaalada Jeneva ayaa shaaca ka qaaday in khasaaraha gaaray hay’adiisa uu yahay mid culus oo aad u ballaaran.
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha UN-ka ee saarnaa diyaaradda ayaa doonayay iney Nairoobi kaga qeybgalaan shir shan maalmood soconaya oo looga hadlayo arimaha deegaanka, kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda qaar kamid ah wadamada caalamka.
Dadka ku dhintay diyaaradda Ethiopian arline ayaa kasoo kala jeeda 35 dal oo kamid ah caalamka, waxaana Kenya uga dhintay dadka ugu badan oo gaaraya 32 ruux, sida ay sheegeen maamulka diyaaradda.
Waxaa sidoo kale dadka dhintay kamid ah 18 canadian ah, 8 ruux oo u dhashey Maraykanka, 9 ruux oo Itoobiyaan ah, 7 ruux oo Birtish ah, iyo 7 kale oo Faransiis ah.
Diyaaradda Itoobiya oo 8:38 subaxnimo maalintii shalay ka duushey garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa ayaa laga waayay raadaarka lix daqiiqo kadib markii ay duushey, waxaana xilli dambe la ogaaday iney ku burburtay magaalo koonfur kaga beegan Adis Ababa oo u jirta 50km.
Dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo tiradoodu gaareysay 157 ruux ayaa la xaqiijiyay iney geeriyoodeen, waxaana goobta ay diyaaraddu ku dhacday lagu arkay kabaha iyo dharkii ay wateen dadka baaba’ay.