HomeAll newsCaruur ku dhimatay Duqeyn lagu garaacay Isbitaal ku yaala Yaman.

Caruur ku dhimatay Duqeyn lagu garaacay Isbitaal ku yaala Yaman.

Dad ku dhintay duqeymaha Aala-Sucuud ka wado Yaman.

Wararka ka imaanaya wadanka Yaman ayaa ku waramaya in diyaaradaha isbaheysiga carbeed ay duqeymo xoogan ku garaaceen isbitaal ku yaala wuqooyi galbeed wadankaas, halkaas oo ay ku dhinteen dhowr ruux oo ay caruur kamid yihiin.

Isbitaalka la duqeeyey waxaa lagu magacaabaa Kitaaf Hospital, wuxuuna ku yaalaa deegaan 100 km ka fog magaalada Sacdah oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee ku yaala wuqooyiga Yaman.

Hay’ad sheegata iney u doodo xuquuqda caruurta ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku xaqiijisay in ugu yaraan 7 caruur ah oo lagu daweynayay isbitaalka ay ku dhinteen duqeyntan, halka ay sidoo kale jiraan dad kale oo ku sugnaa isbitaalka oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta.

Xilliga duqeynta lagu garaacayay isbitaalka waxay ahayd aroor hore, waxaana si xiriir ah usoo gaarayay bukaanno iyo shaqaalaha isbitaalka.

Isbaheysiga carbeed ayaa Yaman kawada howlgallo ka dhan ah Xuuthiyiinta, balse waxay si indha la’aan ah u beegsadaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana afar sano kadib howlgalka ay ugu magac dareen Dabeysha go’aanka muuqaneysa in reer Yaman ay dhibaato usoo jiideen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular