
Saacadba saacadda xigta waxaa la helayaa macluumaad muhiim ah oo ku aadan waxay ahaayeen badi dadkii ku dhintay burburkii diyaaradda Itoobiya ee maalintii shalay kusoo dhacday meel u dhow magaalada Adis Ababa.
War kasoo baxay Midowga Africa ayaa lagu xaqiijiyay in sarkaalad weyn oo katirsan ururka ay kamid ahayd dadkii ku geeriyooday burbrkii diyaaradda Boeng 737, taas oo ay ku dhinteen 157 ruux.
Haweeneyda geeriyootay ayaa ahayd ku simaha Taliyaha Police-ka, ahnaTaliye ku xigeenka, waxaana lagu magacaabaa Cristine Alola, asal ahaana waxay kasoo jeedaa wadanka Uganda oo qeyb ka ah dowladaha ay ciidamada ka joogaan wadanka Soomaaliya.
Geerida haweeneydan oo soo baxday maalintii shalay ayaa waxaa si adag u beeniyay Police-ka dalka Uganda, waxaana ay sheegeen iney saarneyd diyaaradda Turkis Airline, oo aysan kamid ahayn rakaabkii raacay diyaaradda Itoobiya.
Balse Simon Mulongo oo ah Ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay arinkan, wuxuuna u tacsiyeeyay ehellada dadkii ay ka geeriyootay haweeneydan.
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa bartiisa twitterka wuxuu kusoo qoray qoraal kooban oo uu ugu tacsiyeynayo dadkii ku dhintay burburka diyaaradda Ethiopian Airline, wuxuuna dhacdada ku tilmaamay mid xanuun badan.
Xaqiijinta Midowga Africa ee geerida haweeneydan ayaa kusoo aadeysa, xilli xafiiska Qaramada Midoobay uu xaqiijiyay in 19 kamid ah shaqaalihiisa ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay burburka diyaaradda Itoobiya, waxaana saraakiil katirsan UN-ka ay dhacdadaas ku tilmaameen tii ugu xumeyd ee sanadahan dhow soo marta.
Dhinac kale, dowladda Masar ayaa xaqiijisay in 3 masuul oo katirsan dowladda ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay burburka diyaaradda Itoobiya Airline.
War kasoo baxay wasaaradda Beeraha ee maamulka afgembiga Siisi ayaa lagu sheegay in saddex xubno oo katirsan wasaaradda ay ku dhinteen burburka diyaaradda, kuwaas oo kala ahaa Ashraf Turki, Ducaa Caadhif iyo Cabdil-Xamiid Faraaj.
Masuuliyiintan katirsan maamulka Siisi ayaa kusii jeeday magaalada Nairobi, waxayna doonayeen iney halkaas kasoo qabtaan howlo muhiim u ah maamulka afgembiga wadanka Masar.