HomeAll newsSomaliland oo Dhul ku teedsan Xeebta Berbera Ku Wareejisay Shirkad Ajnabi Ah.

Somaliland oo Dhul ku teedsan Xeebta Berbera Ku Wareejisay Shirkad Ajnabi Ah.

Iyadoo xeebaha Soomaaliya oo dhan xilligan la boobayo qaarkoodna lagu qabsanayo heshiisyo sharci darro ah ayaa waxaa bannaanka usoo baxay war rasmi ah oo sheegaya in maamulka Somaliland uu dhul ku teedsan xeebta Barbara ku wareejiyay shirkad shisheeye.

Shirkadda dhulka lagu wareejiyay oo lagu magacaabo Salternas (LTD) ayaa sheegtay in maamulka Siilaanyo ay ka heshay Mashruuc ah milix ama cusbo ka samaynta uumi baxa biyaha badda. Xilliga heshiiska oo gaaraya muddo 25 sannadood ah lagana kordhin karo ayaa shirkadda u ogolaanaya in ay mashruucan ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2 kaasoo haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM labo jibaaran.

Sida laga soo xigtay Telefishanka Codka Bariga Afrika, Shirkadda qandaraaska la siiyay ma ahaysato lacagta ku baxaysa hirgelinta mashruuca oo ay ku qiyaastay Boqol iyo toban Milyan oo dollar ilaa Boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar, sidaas awgeedna ay shirkaddu raadinayso maalgashadeyaal reer galbeed ah.

Haddaba Shirkadda ayaa waxa aas-aasay shakhsiyaad ay ka mid yihiin John Balfe oo madaxda shirkadda ka mid ah horena la taliye ugu soo noqday wasaarado dhawr ah oo ah kuwa DF, waxaana guddoomiye ka ah Prof Colin Roberts oo la sheegay in uu yahay khabiir dhanka khayraadka ah.

Shakhsiyaadkan ayaan wali sheegin xilliga ay bilaabayaan hirgelinta hawlahooda. Qoraal lagu soo daabacay bogga shirkadda ayaa lagu sheegay in mashruucan laga helayo dhaqaale badan.

Waxay sheegeen in hammigoodu yahay in kadib daraasadda lagu samaynayo mashruuca ay rajaynayaan inuu waqti badan qaato wajiga koowaad ee dhismaha mashruuca kaasoo muddo 18 bilood ah lagu soo saarayo milix dhan 5 milyan oo tan iyada oo hiigsigu yahay in toban milyan oo tan sanadkiiba la soo saaro.

Inkastoo ay shirkaddu sidaa sheegtay ayaa haddana siyaasiyiinta qaar waxay tilmaameen shirkadda hawlaheedu ka guda weyn yihiin cusbo iyo wax lamid ah balse ay dooneyso boobka dahabka iyo kheyraadka ku jira xeebaha.

Sidoo kale waxaa arrin ceeb iyo fadeexad ah lagu tilmamaay in maamulka Somaliland uu qariyay heshiiskan balse ay shirkaddu soo bandhigtay isagoo qabyo, illaa iyo haddana waxaan la ogeyn dhaqaalaha ay ka qaadatay xukuumadda Muse Biixi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular