Ciidamada Mareykanka oo ay wehlinayaan askarta Soomaalida calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaano (Bankaraf) ayaa habeenkii xalay duullaan gaadmo ah ku qaaday degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, balse askarta Al-Shabaab oo u muuqday kuwa la socda dhaqdhaqaaqooda ayaa dagaallo adag kala hor tagay taasoo keentay iney jabaan shisheeyaha iyo kuwii la socday.
Askarta Mareykanka ayaa ku sigtay in la qabto iyagoo nool ama meydadkooda gacanta lagu dhigo kadib markii laga dilay sarkaalkii hogaaminayay ciidanka iyo dhowr kale oo Soomaalidu kamid yihiin, waxaana ay si dirqi ah ku qaateen meydadka iyo dhaawacyada.
Inta la hubo Mareykanka waxaa dagaalka looga dilay sarkaalkii hor joogaha u ahaa ciidanka iyadoo laga dhaawacay labo kale. Kuwii Soomaalida ahaa ee la socdayna waxaa laga dilay lix, halka 3 kale laga dhaawacay.
Mareykanka ayaa war kooban oo uu maanta soo saaray ku beeniyay khasaarahaas. Balse hal sawir ka wax sheeg badan ku eray e’ waxay sawirrada aad daawan doonto kuu muujinayaa inuu jab culus gaaray Mareykanka. Waxaa la arkayaa labiskii sarkaalka oo isagoo dhiig leh ay ka carareen iyo dhammaan qalabkiisii.
Sidoo kale waxaa la arkayaa agabyo millatari oo ay kamid yihiin Bambaanooyin, rasaas iyo wax yaabo kale oo ay ka carareen, waxaana inta dheer agabyo caafimaad iyo lacago dolar ah.
Mareykanka ayaa markii uu khasaarahan la kulmay waxa uu duqeeyay xaafadaha magaalada isagoo burburiyay goobo ganacsi iyo guryo ay qosas degganaayeen, waxaana inta la hubo ku naf waayay wiil yar oo sadax sano jir ah iyadoo gabar 13 jir ah iyo wiil 20 jir ah ay ku dhaawacmeen.
DAAWO GURYII IYO GOOBIHII GANACSI EE AY DUQEEYEEN KUWAASOO QAARKOOD AY DHULKA LA SIMEEN