Ciidamada Maraykanka oo ay la socdaan kuwa Soomaalida ah ee loo yaqaano Bankraft ayaa xalay weerar fashilmay waxay kusoo qaadeen deegaanka Daaru-Salaam oo kamid ah gobolka Shabeellaha-hoose.
Warar rasmi ah oo ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in dagaalka Daaru-Salaam lagu dilay Taliyihii Maraykanka ee hogamaaminayay ciidamada Maraykanka ee duulaanka soo qaaday, halka sidoo kale ay dhaawacmeen 3 askari oo Maraykan ah.
Marka laga hadlo khasaaraha gaaray ciidamada Bankraft waxaa dhintay 6 askari oo ay ku jiraan 3 sarkaal, halka ay dhaawacmeen 3 kale, kuwaas oo ciidamada Maraykanka uga horeeyey xabadda.
Isku darka khasaaraha Maraykanka iyo Bankrafta gaaray ayaa noqonaya dhimashada 7 qof oo 4 ay yihiin saraakiil, iyo dhaawaca 6 askari oo ay 3 yihiin Ameerikaan.
Inta badan qalabkii sarkaalka Maraykanka ee la dilay ayay goobta uga carareen, waxaana kamid ah bambaanooyin, Doorbin, iyo lacago doollar ah.
Horay ayaa deegaanka Daaru-Salaam waxaa weerar ay kusoo qaadeen ciidamada Maraykanka looga dilay sarkaal Maraykan ah oo kasoo dagaallamay wadamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.