Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaas.
Qarax xoogan ayaa lala helay gaari nooca Kooyalka ah oo ay saarnayeen askar katirsan ciidamada Kenya, kaas oo isaga kala gudbayay deegaanka Taabto iyo Dhoobley oo kawada tirsan Jubbada-hoose.
Gaariga kooyalka ayaa burbur xoogan uu gaaray, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii Kenyaatiga ee saarnaa.
Sidoo kale, qarax kaas lamid ah ayaa lala helay gaari nooca Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Ciidamadan la weeraray waxay ku sugnaayeen deegaanka Baar-sanguuni oo saldhig u ah ciidamo uu tababaray Maraykanka, waxaana gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Warar aynu heleyno waxay tibaaxayaan in ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada Jubbaland ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa ka dhacay Baar-sanguuni.
Qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa Soomaalida ayaa joogta ka ah gobolka Jubbada hoose oo kamid ah gobollada ay duulaanka ku joogana ciidamada ka socda wadanka Kenya.