HomeAll newsQarax Lagu burburiyay Gaari Dagaal oo ka dhacay gobolka NFD.

Qarax Lagu burburiyay Gaari Dagaal oo ka dhacay gobolka NFD.

Wararka naga soo gaaraya gobolka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah.

Gaariga qaraxa lagu burburiyay ayaa noociisu ahaa Kooyal, waxaana xilliga la qarxinayay uu marayay inta u dhexeysa deegaannada Xagardheer iyo Amuume oo dhamaantooda katirsan gobolka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.

Ma helin faafaahin ku aadan khasaaraha gaaray ciidamada Kenyaatiga ee qaraxa lala eegtay. gobolka NFD ayaa marti gelinaya weeraro waaweyn oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsanayaan askarta iyo saraakiisha Kenyaatiga.

Dowladda wadankaas ayaa ciidamo katirsan waxay duulaan ku joogaan deegaanno dhaca koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo dhibaatooyin joogta ah ku haya shacabka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Allahu ma,a cisal islaama wal muslimin wa adila shirka wal mushrikiin wadamir acdaa aka acdaa a diin yaa rabal calamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular