Ninkan oo darawal ka ahaa gaariga uu afduubtay ayaa la sheegay inuu doonayay in gebi ahaanba uu laayo ardeyda oo dhiganayay mid kamid ah iskuullada waxabarasho ee ku yaal wadanka Talyaaniga.
Ninka ayaa doonayay inuu gubo gaariga, waxaana uu daaray dab, walow aanu geysan wax khasarare nafeed ah.
Arintan oo ka dhacday magaalada Millaano ee Talyaaniga, ayaa waxaa aad u hadal haya warbaahinta, mana jiro wax khasaare ah oo gaaray ardeyda la afduubtay.
Ninkan oo 47 jir ah ayaa asal ahaan kasoo jeeda Singel, balse wuxuu heystaa dhalashada wadanka Talyaaniga, waxaana la sheegayaa inuu ka careysanyahay sida dowladda Talyaaniga ula tacaamusho dadka soo galootiga ah.