
Emmanual Macron oo ah madaxweynaha wadanka Faransiiska ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn ballaaran.
Socdaalkiisa ayaa ahaa mid ahaa horey loo sii shaacin waxaana soo dhaweeyey madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale.
Emmanual Macron iyo Geelle oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa labadoodaba waxay hoosta ka xariiqeen xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Faransiiska iyo dowladda Jabuuti, xiriirkaas oo uu qeyb ka yahay waxay ugu yeereen la dagaalanka “Argagaxisada” oo loola jeedo islaamka.
Geelle ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay saaxiib soo jireen ah oo ay bariga Africa ku leedahay Faransiiska, isagoona sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin booqashada uu madaxweynaha Faransiiska ugu yimid.
Macron ayaa booqday saldhig ay dalkaasi deganyihiin ciidamadiisa, waxaana uu sheegay iney sii xoojinayaan galaan galka ay ku leeyihiin dalka Jabuuti.
Xiriirka dowladaha Faransiiska iyo Jabuuti ayaa mudooyinkii dambe laga dareemayay hoos u dhac aan sidaas u badneyn, sababo ku aadan dowladda Jabuuti oo aad ugu dhawaatay dowladda Shiinaha, taas oo saldhig ballaaran ka furatay wadanka Jabuuti.
Wadanka aadka u yar asalkiisana laga gooyay Soomaaliya, laguna magacaabo Jabuuti ayaa noqday masrax ay ku loolamaan awoodaha caalamiga ah, waxaana wadankan dadka u dhashey iyo ciidamada Shisheeya ee jooga aad u badan shishseeyaha, taasoo siyaasiyiintu ku macneeyeen gumeysi dadban inuu dalkan ku jiro.
Macron ayaa la filayaa inuu socdaal ku maro wadamo dhowr ah oo dhaca bariga Africa, waana booqashadiisii ugu horeysay ee uu Jabuuti ku yimaado tan iyo markii loo doortay madaxweynaya wadanka Faransiiska.
Faransiisku wuxuu horey usoo gumeystay dalka Jabuuti illaa iyo haddana waxaa u jooga ciidamo iyo shirkado.