
Jimcihii aynu soo dhaafnay , waa mid kamid ah maalmaha naxdinta badan ee soo maray guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan kuwooda ku nool wadamada reer galbeedka, iyadoo koox hubeysan ay weerar ku qaaday labo masjid oo ku yaala wadana New Zealand.
Wuxuu intaas kadib usii gudbaya qeybta dumarka ee masjidka, isagoo halkaas ku dilaya tiro kale oo muslimiin ah, ugu dambeyna wuxuu kusoo laabanayaa halkii uu ku baakimay gaarigii uu watay.
Wuxuu soo qaadanayaa rasaas kale iyo qori cusub, markale ayuuna kusoo laabanayaa Masjidka, isagoo meyd garaacaya dadkii uu horay u dilay sidoo kalana dhameystiraya dhaawacyada dhiig baxayay ee taahooda la maqli karo.
Marka labaad ee uu kusoo laabanayo gaarigiisa ayaa afaafka hore ee masjidka wuxuu ku arkayaa gabar muslimad ah oo dhaawacan, taas oo ku qeylineysa I caawi, wuxuuna caawinta uga dhigay inuu dhowr xabadood kaga dhufto madaxa, taas oo keentay in durba halkaas ay gabadhu ku naf baxdo.

Cunsuriga fuliyay weerarka wuxuu ahaa qof ay aad ugu fogaatay naceybka uu u qabo muslimiinta, weerarkiisana in muda ah soo abaabulayay, isagoo helaya taageero kala duwan.
Arimaha la yaabka leh waxaa kamid ah in kudhawaad 20-ka daqiiqo ee uu ninkan gumaadka waday aaney jirin wax ciidan ah oo soo gaaray goobta, taas oo is weydiin xoogan dhalisay.
Weerarada oo sida muuqatay aad loo soo abaabuley, in muda ahna laga soo shaqeeyay ayaa lagu beegsaday masaajida An-nuur iy LinMood ee magaalada Chirischurch ee wadanka New Zealand, waxaana inta badan dhimasho iyo dhaawac noqday dadkii ku tukunayay labadaas masjid.
Weerarka ugu xanuunka badan wuxuu ka dhacay masjidka An-nuur, waxaana fuliyaha howlgalka uu weerarkiisa kusoo beegay xilli ay dadku isku diyaarinayeen tukashada salaadda Jimcaha, masjidkana kusoo qulqulayeen dadka doonayay iney dhageystaan Khudbada Jimcaha.
Ninka cadaanka ee weerarka fuliyay oo lagu magacaabo Brinton Trant ayaa barta uu ku leeyahay Facebooka si toos ah uga tabiyay falkiisa foosha xun, wuxuuna ku billaabayaa isagoo hubeysan, islamarkaana saaran gaari nooca raaxada ah.
Wuxuu leeyahay “ waxaan bilaabeynaa xafladda”, taas oo ka dhigan afgarasho uu ula jeedo howlgalkiisa uu ku beegsanayo muslimiinta, wuxuu si dhow ku gaarayaa halka uu ku yaalo masjidka An-nuur, isagoona lasoo baxaya mid kamid ah qoriyaashii uu watay.

Rasaas aan loo meel dayin ayuu cunsurigan ku bilaabay dadka ku tuknayay masjidka Al-nuur oo aad u badnaa , waxaana durba dhulka ku dhacaya tobaneeyo ruux oo meydad iyo dhaawacyo isugu jira.
Inkastoo haweeneyda ra’iisul wasaaraha ka ah wadanka New Zealand ay tilmaamtay iney tahay maalin madow oo usoo hooyatay dalkeeda, hadana dhibka wuxuu gaaray dad gooni ah, oo aan lahayn awood ilaalisa, waana muslimiinta kunool Yurub.
Bayaan dheer oo ka kooban 74 page ayuu ninkan fuliyay weerarka ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twitterka, kaas oo uu uga sheekeeyey sababaha ku riixay inuu weerarkan fuliyo, wuxuu muslimiinta Yurub ku nool ku tilmaamay iney yihiin dhul boob gumeystayaal ah.
“Dhulkan maalinna ma yeelanin soo galootiga, waxaana dhulkan sii lahaan doono dadka cad cad, mana awoodaan iney na bedelaan” ayuu yiri Brenton Tarrant oo ah 28 jir u dhashey wadanka Austrelia, matalayana wejiga dhabta ah ee reer galbeedka.
Qoraalkiisa dheer ee uu baahiyay saacado kahor inta aanu weerarka fulin, wuxuu sidoo kale kusoo hadal qaadayaa dagaallo iyo duulaanno taariikhi ah oo xilliyo hore dhexmaray muslimiinta iyo gaalada, isagoo sheegaya in weerarkan uu aargud u yahay dhamaan dadka reer Yurub ee ay muslimiintu dileen.
Mar uu ka hadlayay sababta uu u doortay masjidka An-nuur, ayuu sheegay iney aad u badanyihiin dadka salaadda ku tukado masjidkan, sidaas darteedna uu jecleystay inuu beegsado, si dad badan oo muslimiin ah uu u gumaado.
Brenton Tarrant, wuxuu qoralkiisa dheer uu sidoo kale ku muujiayay inuu aad u taageersan yahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ay wadaagaan cunsuriyadda iyo Islaam naceybka, wuxuuna Trump ku tilmaamay inuu yahay hogaamiyaha soo celin kara qab weynidii ay cadaanku ku lahaayeen qaaradda Yurub.
Hubka uu watay waxaa uu ku xardhey magacyada dad reer galbeed ah oo hogaamiyay dagaalladii Saliibiyadda ee ka dhacay Yurub, waxaana kamid ah dadkaas Charles Martel oo ahaa hogaamiyihii ciidamada Faransiiska ee macrakadii Balaadhu-shuhadaa.

Dagaalkan oo ka dhacay gudaha wadanka Faransiiska ayay taarikhdu tabisaa inuu dhacay sanadkii 114-aad ee hijriayda, waxaana mulsimiintana hogaaminayay Cabdi-raxmaan Al-Qaafiqi oo leh taariikh ifeysa oo mudan in la diraaseeyo.
Dadka muslimiinta ah ee lagu gumaaday weerarkii maalintii Jimca ahayd lagu qaaday labada masjid ee ku yaala New Zealand waxay tiradoodu gaartay 50 ruux, 19 kamid ah waa Filastiiniyiin, 5 waxay kasoo jeedaa wadanka Tunis, 5 kalana waxay u dhasheen Bangaladesh, 4 waxay u dhasheen Marooko, 3 waa Yamani, halka 3 kale ay yihiin Soomaali, 2 waxay u dhasheen Ciraaq, 2 kalan waxay kasoo jeedaan Urdun, dhulka Xarameynka, Afqaanistaan, Iiraan iyo Suuriyana waxaa kasoo kala jeeda min hal qof, waxaana la aqoonsan waayay meydadka 3 ruux kuwaas oo ay rasaastu si xun u haleeshey.
Dhaawacaydda isbitaallada yaala ayaa tiradoodu waxay gaarayaan 20 ruux, waxaana jira kuwa xaaladoodu liidato.
Halkan ka dhagayso Warbixin Al-Furqaan ku eegeyso Xasuuqii loo geystay Muslimiinta New Zealand.