Ciidamada Kenyaatiga ee maalintii shalay isaga baxay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa la kulmay weeraro qaraxyo ah oo khasaare adag gaarsiiyay.
Kenyaatiga iyo kuwa Soomaalida ee la socda oo illaa iyo hadda socda masaafo dhan 20KM oo keliya ayaa waxaa lala eegtay qaraxyo culus xilli ay marayeen deegaan lagu magacaabo Wareey.
Qaraxyada waxay geysteen khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta aynu helnay ay xaqiijinayaan dhaawaca 12 askari, oo todobo kamid ah ay Kenyaati yihiin, halka shanta kalana ay Kenyaati yihiin.
Afar diyaaradood oo nooca hellecopterada ah ayaa usoo degay ciidamada Kenyaatiga, kuwaas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Kenyaatiga iyo kuwa Soomaalida, waxayna geeyeen deegan lagu magacaaboa Ceel Qaalow.
Ciidamada Kenyaatiga ayaa kusii jeeda dhinaca xuduud beenaadka, waxaana ay ka baxeen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.
Alahu akbar alahu akabr