HomeAll newsInkabadan 100 ruux oo lagu dilay Weerar ka dhacay Maali.

Inkabadan 100 ruux oo lagu dilay Weerar ka dhacay Maali.

Koox hubeysan oo ay soo abaabushey dowladda taagta daran ee Maali ayaa weerar ku qaaday deegaanno dhaca bartamaha wadanka Maali, halkaas oo ay qeybo kamid ah ay degaan qabiilka Al-fulaani oo kamid ah qabaailka wadankaas.

Malleeshiyada hubeysan ayaa habeenkii xalay waxay weeraro saf ballaaran ah oo ay dad badan ku xasuuqeen ka fuliyeen deegaanka Ogsaaago, halkaas oo ay ku dileen inabadan 100 ruux oo xoola dhaqato ahaa.

Malleeshiyaadka ayaa adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sido kale ay gowraceen dhowr ruux oo kamid ah dadka deegaanka, iyadoona dadka la gumaaday ay ku jiraan dumar iyo caruur farabadan.

Dadka la laayay ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 130 ruux, waxaana lasoo warinayaa iney jiraan dhaawacyo xaaladooda ay liidato.

Malleeshiyaadka weerarka geystay ayaa dadkan ay gumaadeen ku eedayay iney taageero u yihiin jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka dagaalanta wadamada saxaraha iyo saaxilka Africa.

Inkastoo ay huwanyihin magac qabiil, hadana waa malleeshiyaad si dadban u hoostaga dowladda Maali, waxana si toos ah u taageera ciidamada Faransiiska ee duulaanka ku jooga wadankaas, kuwaas oo siiya hub iyo sahay ciidan.

Qof ka badbaaday weerarka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday dadkan maatida ah uu u muuqday mid ay dowladda Maali kaga aargudaneyso Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin oo mudooyinkii dambe fulineysay weeraro ballaaran oo ka dhan ah ciidamada Maali.

Malleeshiyadan dadka masaakiinta ah gumaaday ayaa marar hore waxay fuliyeen weeraro dad shacab ah ay ku beegsadeen, balse waxaa gacan adag kala hortagay ciidamada Mujaahidiinta, waxaana dad badan ay filayaan in maalmaha soo socda ay Nusratul Islaam wal Muslimiin ay ka qaado tallaabo milliteri oo adag.

Qabiilka Reer Fulaan ee gumaadka loo geystay ayaa u dakanoobay sida ay uga soo horjeedaan ciidamada shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Maali, iyo weliba taageerada hiil iyo hooba leh e ay la garab taaganyihiin Mujaahidiinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular