Gaashaanle Sare Abuukar Cabdullaahi Isaaq (Al-cadaala) oo kamid ah saraakiisha Milatariga ee DF ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan uga war bixiyay ciidamada furimaha soo baneeyay iyo arrimo kale oo xasaasi ah.
Sarkaalkan oo hadda ah tababare ciidan kana hawl gala xerada Jasiira ayaa mar wax laga weydiiyay sababta ay askarta dowladda uga soo bexeen Dhanaane sheegay in ay jirto halis badan maadaama wadada aada degaanka dhowr jeer lagu dilay Janaraalo ka tirsanaa hogaanka Milatariga DF.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney macquul tahay iney halkaa uga soo bexeen xeelad, balse arrinta kale ee uu u sababeeyay ayaa waxay tahay dhaqaale la’aan. Ciidamada dowladda ayaa wuxuu dagaal kala dhaxeeyaa Xarakada Al-Shabaab, mana la arko ciidankooda oo mushaar la’aan iyo gunno la’aan furimaha uga soo baxa, halka kuwa dowladda markii ay wax waayaan gadood sameeya, sidaa darteed ayaan Abuukar weydiinay aragtidiisa ku aadan farqigaas, wuxuuna codsaday in aanan su’aalahaas oo kale la weydiin.
Sidoo kale waxaan wax ka weydiinay farqiga u dhaxeeya ciidamadii hore ee dalka oo uu isagu kamid ahaa iyo kuwa maanta oo la hawl gala shisheeyihii shalay lala dagaalamayay oo ay ugu horreeyaan kuwa Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay in xilligii hore ay cadawgooda iyo saaxiibkood kala garanayeen balse haatan aysan aqoon cadawgooda iyo waxa ay u dagaalamayaan.
Halkan Ka Degso Wareysiga Gaashaanle Sare Abuukar Isaaq Al-cadaala