Qarax culus ayaa lala eegtay mid kamid ah gawaarida dagaalka ee ciidamada Shisheeyaha, kaas oo uu gaaray burbur xoogan.
Gaariga qaraxa lala helay oo noociisa ahaa TAW ayaa lagu soo waramayaa inuu si adag u haleelay qaraxa, islamarkaana uu burburay.
Wuxuu ka dhacay Qaraxa inta deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, una dhow Ex controol Afgooye oo ay isbaaro u taallo ciidamada dowladda.
Qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo dowladda federaalka ayaa joogta ah deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan Soomaaliya.