
Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa amaanay Yuweri Museveni, xilli dhawaan uu aflagaadeeyay shacabka Soomaaliyeed.
Isagoo kulan kaga qeybgalaya magaalada Kampla ee caasimadda wadanka Uganda ayuu madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Farmaajo wuxuu amaan kala dul dhacay baaderi Yuweri Museveni oo ah madaxweynaha wadankaas.
Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa magaalada Kampla kaga qeybgalay shir loogu magacdaray Africa Now, kaas oo ay soo qaban qabisay dowladda Uganda loogana hadlayay arimaha dhaqaalaha iyo waxa loogu yeeray iskaashiga dowladaha ku yaala qaaradda Africa.
Madaxweynaha dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu horeyn markii lagu soo dhaweeyay hadalka, wuxuu sheegay inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo madaxweynaha Uganda iyo shacabkiisa oo uu sheegay iney aad usoo dhaweeyeen wafdigiisa.
“Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay horumarka. Waxaan Madaxweyne Yuweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey”. ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka.
Intii uu khudbeynayay Farmaajo, wuxuu dhowrjeer kusoo celiyay magaca Yuweri Museveni oo uu ku amaanay inuu yahay nin caqli badan, aadna u fakara, kana go’antahay in qaaradda Africa ay horumar ku tallaabsato.
Taas bedelkeeda Yuweri Museveni, madaxweynaha Uganda intii uu khudbeynayay wuxuu iska ilaaliyay inuu si gaar ah u xuso madaxweyne Farmaajo, waxayna dad badan arintan ku micneeyeen iney tahay liidid uu liidayo Farmaajo.
Culimada diinta islaamka iyo dadka aqoonyahannada ah ayaa sheegaya in madaxda iyo siyaasiyiinta shisheeyaha la shaqeeya ay meel xun dhigeen shacabka soomaaliyeed, iyagoona ku tuntay heybadii ay lahayd umadda soomaaliyeed, waxaana mar weliba ay maamuusaan madaxda Africanta iyo kuwa shisheeye ah ee fagaarayaasha ka aflagaadeynaya shacabka Soomaaliyeed.
Allaah cazza wajalla ayaa ku tilmaamay dadka u deg dega raalli gelinta gaalada iney qalbiga ka jiranyihiin.
Dhawaan, ayaa madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni wuxuu aflagaado cad oo aan geed loogu so gamban wuxuu u geystay shacabka Soomaaliyeed, isagoona askari garaacay gabar Yugaandhees ah ku iri, haddii aad xanaaqsantahay una baahantahay inaad ku xadgudubto dumarka waxaan kuu direynaa Soomaaliya, halkaas oo dhaqan xumada looga baahanayahy, waa sida uu isagu hadalka u dhigaye..