War deg deg ah oo naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha Maraykanka ay duqeyn la beegsadeen gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen.
Gaariga ayaa marayay deegaanka Cadow Dibille ee hoostaga degmada Afgooye, waxaana jira waxyeello dhimasho iyo dhaawac isuga jirta oo gaartay dadkii saarnaa gaariga rakaabka ah.
Dad xog ogaal ah oo aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in gaariga uu ahaa noocyada rakaabka qaada, dadka saarnaana ay dhamaantooda ahaayen shacab, waxaana la is weydiinayaa sababta ay diyaaradaha Maraykanku u duqeeyeen gaariga shacabka ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Maraykanka uu dad shacab ah ku yaalo dalka Soomaaliya, waxaana tan iyo markii Donald la wareegay talada Aqalka cad, Soomaaliyana uu u aqoonsaday aag dagaal sii krodhay weerarada ay Maraykanku ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.