HomeAll newsDiyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay Jubbooyinka.

Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay Jubbooyinka.

Dowladda Kenya ayaa sii wada beegsiga shirkada isgaarsiinta Hormuud oo kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu caansan Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ay duqeeyeen xarun shirkadani ku leedahay gobollada Jubbooyinka.

Wararka aynu ka heleyno gobollada Jubbooyinka ayaa ku waramaya in diyaaradaha dowladda Kenya ay duqeyn ku burbruriyeen xaruntii shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaladeys oo hoosyimaada degmada Afmadow ee Jubbada hoose.

Dhowr gantaal ayay diyaaraha Kenya ku dhufteen xarunta shirkadda, waxaana goobta ku burburtay dhismaha iyo guud ahaan qalabkii Isgaarsiineed ee ay Shirkadu lahayd.

Hadda deegaanka waxaa laga soo sheegayaa iney anteeno la’aan kajirto, mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamada Kenya si toos ah u beegsadaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Kenya in meel lasaro waxa ka horeysa. Qalab ki loga hortagi laha aladaha ay watan in lasameyo. Inay rag u xirxirtan diyaradahoda wixi lagu gubi lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular