HomeAll newsDhalinyarada Somaali-land oo ka cabanaya Shaqo la'aan baahsan.

Dhalinyarada Somaali-land oo ka cabanaya Shaqo la’aan baahsan.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda dhulka Wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Dhulka uu ka taliyo maamulka Somali-land ee gacan saarka dhow la leh Xabshida ayaa dhalinyarada ku dhaqan waxay ka cabanayaan shaqo la’aan baahsan oo soo food saartay.

Dhalinyarada ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa sheegay iney heysato shaqo la’aan daran, iyagoona sheegay in shaqooyinka ugu badan loo gacan geliyay Ajaanibta Itoobiyaanka u badan ee jooga dhulka uu maamulka Somali-land ka arimiyo.

Waxay sidoo kale sheegeen iney jirto qabyaalad gaamurtay oo ay ku dhaqmaan maamulka Somali-land, taas oo keentay in shaqada lagu koobo dad gaar ah, halka dadka kalana loo diido iney sameeyaan wax horumar  ah.

Halkan ka dhagayso Dhalinyarada Somaali-landoo ka cabaneysa shaqo la’aan baahsan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular