Iyadoo laba jimco ay kasoo wareegatay markii weerar dhiig badan uu ku daatay lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand ayaa waxay cabsi ka jirtaa in weeraro ay la kulmaan masaajida ku yaalla qaarada Yurub iyo Ameerika.
Kooxo Cunsuriyiin ah oo ay ku fogaatay islaam nacaybka ayaa handadaad ku haya Muslimiinta.
Sheekh Cabdi Qani Qardhaawi oo ku sugan dalka Maraykanka imaamna ka ah masjidka Alshaafici ee ku yaala dalkaasi ayaa wareysi uu siiyay idaacada alfurqaan wuxuu kaga hadlay heerka islaamka nacaybka uu ka gaaray dalka Maraykanka.
Wuxuu xusay in wixii ka danbeeyay doorashadii Donald Trump ay dhiira galin iyo taageero heleen dadka ku fakarka ah madaxweynaha Maraykanka oo aanan la ganban xiqdiga uu uhayo islaamka iyo ehelkiisa.
Cabdiqani ayaa xusay in Masaajida qaar loo sameeyay ilaallo waardiye ka ah Muslimiinta ku tukanaya Masaajida.