HomeAll newsDEG-DEG: Ciidamada Kenya Oo isaga baxay Buusaar.

DEG-DEG: Ciidamada Kenya Oo isaga baxay Buusaar.

Warar deg deg ah oo naga soo gaaray deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada Kenya ay gebi ahaanba isaga baxeen deegaankaas.

Ciidamada Kenya oo maalmahanba waday dhaq-dhaqaaq u muuqday ka bixitaan ayaa saaka salaadda subaxa kadib waxay si toos ah uga guureen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Qof Goobjooge ah oo la hadlay Al-Furqaan wuxuu noo xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay gebi ahaanba ka baxeen Buusaar, afkana ay aadiyeen dhinaca dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.

Farxad ballaaran ayay dareemayaan reer Buusaar, waxaana daqiiqado kahor deegaanka gudaha u galay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

2-dii bishan Marso ayay ahayd markii ciidamada Kenya ay gebi ahaanba isaga guureen deegaanka Faxfaxdhuun ee isla Gedo, waxaana ka bixitaankooda Buusaar kadib ay ka dhigantahay inaaney jirin deegaan kamid ah Gedo oo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular