HomeAll newsDEG-DEG: 40 ruux oo ku dhintay Weerar Lagu qaaday Labo Masjid.

DEG-DEG: 40 ruux oo ku dhintay Weerar Lagu qaaday Labo Masjid.

Kooxo hubeysan ayaa weeraray labo masjid oo ku yaala wadanka Newzealand, halkaas oo ay ku dileen dad aad u farabadan oo Muslimiin ah.

Weerarka oo loo adeegsaday rasaas nool nool ayaa gallaaftay nolosha ugu yaraan 40 ruux oo muslimiin ah, kuwaas oo xilliga la beegsanayay ku tukanayay masaajidda lagu weeraray.

Masjidka Al-Nuur ee la weeraray ayaa ah masjidka ugu daran ee khasaaraha uu ka dhashey, waxaana mid kamid ah kooxda weerarka soo qaaday uu jariimadiisa si toos ah ugu baahiyay barta uu ku leeyahay Facebooka.

Haweeneyda ra’iisul wasaaraha ka ah wadanka Newzealand ayaa xaqiijisay dhimashada 40 ruux, waxayna sheegtay in sidoo kale la qabtay gawaari miineysan oo ay wateen kooxda weerarka soo qaaday.

Waxaa la yaab leh in Police-ku uu sameeyay nambar gaar ah oo ay soo wici karaan waalidiinta caruur banaanbaxyo ka dhigayay nawaaxiga masjidka, oo ka cabanayay waxay ugu yeereen isbedelka cimillada, halka aysan Police-ku nambar gaar ah iyo wax gurmad muuqdaba u sameynin dadka muslimiinta ee la xasuuqey.

Dadka ku dhintay weerarada lagu qaaday masaajidda ku yaala wadanka Newzealnd gaar ahaan magaalada ChristChurch waxaa la sheegayaa iney kamid yihiin dad soomaali ah oo kamid ah jaaliyadaha muslimiinta ee wadankaas ku dhaqan.

 

 

(valium)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular