Weli waxaa socda howlgalka Jimcihii lasoo dhaafay ay ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqanistaan ku qaadeen saldhig ay askarta Maraykanka ku leeyihiin gobolka Helmand ee dhaca koonfurta wadankaas.
Howlgalka oo galay maalintii sadexaad ayaa u muuqda mid ay ciidamada Maraykanku awoodi la’yihiin iney soo afjaraan, iyadoona tobanaan katirsan Naftood huriyaasha Imaarada aj ay ka dhex dagaallamayaan dhismaha saldhiga Shawaarib.
Imaarada islaamiga ah oo soo xiganeysa ciidamadeeda ka dhex dagaallamaya saldhiga Shawaarib ayaa xaqiijisay in dhimashada ciidamada Maraykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabul ay gaareyso 200 oo askari, iyadoona dhaawacu yahay mid aad u badan.
Dagaalyahannada Imaarada ayaa la sheegay iney gubeen labo bakhaar oo ku yaalay saldhiga islamarkaana ahaa keydka hubka, waxaana qiiqa iyo uurada madow ee kasoo baxeysa saldhiga laga arkayaa meelo fog fog.
Afhayeenka Imaarada Qaari Muxamad Yuusuf Axmadi wuxuu beeniyay warar ay xukuumadda Kaabul u qeybisay warbaahinta oo ah iney soo afjareen weerarka, wuxuuna sheegay in weli ciidamadooda ay ka dhex dagaallamayaan saldhiga Shawaarib.
Maraykanka ayaa afka juuqda gabay, mana jiro war rasmi ah oo ku aadan howlgalka Shawaarib oo kasoo baxay.
Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa Jimcihii hawl gal ballaaran kula wareegtay hotel Maka Al-mukarrama oo ay sheegtay inuu deegaan u ahaa xubno badan oo DF ka tirsan kaasoo ay khasaarooyin badan ka dhasheen.