HomeAll newsCiidamada Dowladda oo Isaga Baxay Dhanaane Iyo Al-Shabaab oo La Wareegay.

Ciidamada Dowladda oo Isaga Baxay Dhanaane Iyo Al-Shabaab oo La Wareegay.

Ciidamada DF ayaa galabta casar liiqii isaga baxay gabi ahaanba degaanka Dhanaane oo dhaca wadada dhanka xeebta ah ee u dhaxaysa Muqdisho iyo Marko.

Askartan ayaa mar qura si lama filaan ah uga dhaqaaqay difaacyadii iyo saldhiggii ay ka joogeen degaanka, waxaana ay u jihaysteen dhanka magaalada Muqdisho.

Xilli maqribkii kadib ah ayay gaareen Xamar, waxaana qaar kamid ah saraakiishii ciidamada hor socotay ay warbaahinta maxalliga ah qaarkood u sheegeen iney usoo bexeen sababo la xiriira mushaar la’aan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay soo wajahday cabsi ah in uu weerar uga yimaada Xarakada Al-Shabaab islamarkaana uu ku adkaado iney gurmad helaan.

Inta badan taliyaashii hogaaminayay ciidamadan ayaa ku baxay gacanta Xarakada Al-Shabaab kadib markii lagu beegsaday wadada xiriirisa Dhanaane iyo Muqdisho.

Dowladda Federalka ayaa horey u dheegtay in ay nafaf badan u hurtay difaacashada Dhanaane, laakin waxaa dhacday in maanta ay ciidamadii dowladda isaga baxaan.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa daqiiqado kadib bixitaanka ciidamadan la wareegay degaanka, waxaana ay soo dhaweyn ka heleen dadka degaanka.

(www.impactus.org)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular