
Habeenkii xalay ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaano Bankaraf ayaa weerar kusoo qaaday deegaanka Daaru-Salaam ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo uu ku qabsaday dagaal adag.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo sida muuqatay ka war hayay dhaq-dhaqaaqooda ayaa qaraxyo iyo weeraro la beegsaday markii ay lugala lasoo galeen deegaanka.
Ciidamadan ayaa waxaa gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qaar kamid ah wariyaasha idaacadda Al-furqaan oo goobta gaaray ay indhahooda ku arkeen calaamado dhiig ah, qalab milatari iyo lacago doolar ah oo ay ka carareen shisheeyaha.
Intaasi kadib mareykanka ayaa duqeymo aan loo meel dayin u geystay degaanka waxaana inta la ogyahay ku dhaawacmay laba qof oo uu gurigooda gantaalka ugu galay.
Sidoo kale waxay burburiyeen goobo ganacsi oo uu Farmashi kamid yahay, waxaana idiin soo gudbin doonnaa saacadaha soo socda sawirro aan kasoo qaadnay insha’allah.
Halkan Ka Degso Wariyaha Idaacadda Al-furqaan oo goobta kasoo waramay