HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab oo Weeraray Shisheeyaha ku sugan Buula-Mareer.

Ciidamada Al-Shabaab oo Weeraray Shisheeyaha ku sugan Buula-Mareer.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Saqdii dhexe ee xalay, ciidama aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ku qaaday saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo qaatay dhowr saacadood oo xiriir ah waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay dagaalka ugu culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Uganda ku leeyihiin magaalada Buula-Mareer.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu qaaday saldhiga ciidamada dowladda ee Buula-Mareer, waxaana ciidamada dowladda lasoo dersay cabsi iyo walwal xoogan, iyagoo ka firxaday saldhigooda.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalladii cuslaa ee saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday Buula-Mareer, hadana waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaartay Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Dagaalka culus ee lagu qaaday Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda ee jooga Buula-mareer, wuxuu ku daba feylayaa weerarada iyo howlgallada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulinayaan deegaannada iyo degmooyinka ay Shisheeyaha kaga suganyihiin Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular