HomeAll newsAskar Maraykan ah oo lagu dilay dagaallo ka dhacay wadanka Afqaanistaan.

Askar Maraykan ah oo lagu dilay dagaallo ka dhacay wadanka Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya wadanka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in tiro kamid ah ciidamada Maraykanka lagu dilay dagaallo dhexmaray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Dagaalka ayaa ka dhacay gobolka Qunduuz ee wuqooyiga wadanka Afqaanistaan, waxaana uu yimid ka gadaal markii ciidamo Maraykan ah kusoo duuleen deegaanka Tiilaaw oo hoostaga magaala madaxda gobolka ee Qunduuz.

Ciidamada Maraykanka ayaa duulaanka soo qaaday, balse waxaa iska caabin adag kala hortagay ciidamada Imaarada islaamiga oo u muuqday kuwa la socday dhaq-dhaqaaqooda, taas oo keentay in rasaasta lagala homraro.

Ugu yaraan 5 askari oo Ameericaan ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalka dhexmaray Mujaahidiinta iyo Shisheeyaha, waxaana jira dhawacyo kale oo xaaladoodu liidato, kuwaas oo ciidamada Maraykanku kula carareen diyaaradaha hellecopteres-ka.

Askarta Maraykanka ee la dilay waxaa kamid ah Joseph Colty iyo Will Lendsy oo 33 sano jir ah, kana mid ahaa ciidamadii Maraykanka ee sanadkii 2003-da ku duulay dalka muslimka ah ee Ciraaq.

Ciidamada Maraykanka ayaa markii uu khasaaraha adag gaaray, kuna fashilmeen howlgalkii ay soo qaadeen, waxay duqeymo aargoosi ah oo aan loo meel dayin ku garaaceen deegaanka Tiilaaw, halkaas oo ay ku dileen dad ay ku jiraan dumar iyo caruur badan.

Ugu yaraan 12 guri ayay burburiyeen diyaaradaha Maraykanka, waxaana jira dad ay waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac gaartay, walow aan tiradooda rasmiga aynaan helin.

Inta badan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Afqaanistan waxay dhaqan iyo caado u leeyihiin iney si indha la’aan ah u beegsadaan dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan, waxaana xilliyadii dambe soo badanayay howlgallada ka dhanka ah dadka marrasta ah.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa horey wacad ugu martay iney tallaabo sharci ah ka qaadeyso ciidamada Maraykanka, ee dadka masaakiinta ah ku gumaadaya Afqaanistaan, waxaana weerarkii ugu weynaa ee ay Maraykanku la kulmeen dhawaanahan uu dhacay bishii January, kaas oo ka dhacay saldhiga Shawaarib ee Helmand, waxaana lagu dilay kudhawaad 400 oo askari oo 137 kamid ah ay Maraykan ahaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular