Qoraal dheer oo kasoo baxay hay’adda sheegata iney u doodo Xuquuqda Insaanka ee magaceeda loogu yeero Amnesty International ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu dad shacab ah ku dilay duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya.
Hay’addu waxay sheegtay in Maraykanku duqeymo dhowr ah oo uu ka fuliyo deegaanno dhowr ah oo katirsan Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe uu ku dilay dad shacab ah, kuwaas oo aan wax lug ah ku lahayn dadka uu Maraykanku sheeganayo inuu la dagaallamayo oo ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Warbixintan oo gaareysa kudhawaad 100 page ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykanka ay fuliyeen duqeymo gaaraya 100 duqeyn, halka ciidamada Maraykanka ay iyaguna geysteen duqeymo dheeraad ah oo gaaraya 76 duqeyn, kuwaas oo badankood ay ku waxyeelloobeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Amnesty International waxay soo xiganeysaa ilo ay sheegtay in lagu kalsoonaan karo, sida dhakhaatiirta, dad goobjoogayaal ah, iyo sawirro uu qaaday Sattelite-ka, kuwaas oo muujinaya dad beeraley ah oo daadsan bartamaha beerahooda oo diyaaradaha Maraykanka ay duqeeyeen.
Maraykanka ayaa aalaaba diida inuu ka hadlo duqeymaha uu u geysto dadka shacabka ah, khasaarana dhaliya, waxaana hay’addu sheegtay in iyado ay sidaas tahay hadana ay iyagu hayaan xaqiiqda, Maraykanka uu geystay falal dembiyeedyo gaaraya dembiyo dagaal.
Inkastoo hay’adda Amnesty aaney sheegin khasaaraha dhabta ah ee shacabka kasoo gaaray duqeymaha Maraykanka, keliyana soo qaadadatay tiro aad u yar oo labaatameeyo ruux ah, hadana arinkan waxay dad badan ku tilmaameen iney tahay daliil marag ma doonto ah oo muujinaya in Maraykanku gumaad wuxuushnimo ah ka wado Soomaaliya.
Sidoo kale, hay’ada magaceeda loo soo gaabiyo ICG ayaa iyadana sheegtay in Maraykanka uu duqeymo khasaare ba’an u geystay shacabka uu ka fuliyo Soomaaliya, wasaaradda gaashaandhiga Maraykankana ay diido in baaritaanno lagu sameeyo howlgallada ay ka wado Soomaaliya.
Tan iyo markii Donald Trump la wareegay talada wadanka Maraykanka, wuxuu Soomaaliya u aqoonsaday aag dagaal oo ay ciidamadiisu ka geysan karaan waxay doonaan, waxaana go’aankaas kadib dhacay duqeymo iyo weeraro ay Maraykanku ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dhinteen tobanaan ruux oo shacab ah.
Maraykanka ayaa duqeymo muuqda oo cadowtooyo wuxuu ku garaacay Isbitaallo lagu daweeyo dad shacab ah, xarumo waxbarasho oo caruurta wax lagu baro, iyo deegaannada ay dadka shacabka ah ku badanyihiin, waxaana la yaab leh in mar weliba oo uu Shacab laayo ku andacoodo inuu dilay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
[…] Amnesty International Oo sheegtay in Maraykanku Shacab ku laayo Soomaaliya. […]