HomeAll newsAl-Shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Xarunta Madaxtooyada Ee Muqdisho.

Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Xarunta Madaxtooyada Ee Muqdisho.

Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada.

Guutada Madaafiicda ee XarakadaAl-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta madaafiic ku garaacay xarunta madaxtooyada dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho.

Dhowr madfac ayaa gudaha ugu dhacay xarunta oo xilligaas mashquul badan uu ka jiray islamarkaana ay ku sugnaayeen madaxda dowladda federaalka ah qaarkood.

Madaafiicda lagu garaacay Madaxtooyada ayaa meelaha ay wax yeellada u geysteen waxaa kamid ah xafiiska wasaaradda Ganacsiga ee dowaldda federaalka.

Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraradeeda ay ku qaado xarumaha DF iyo kuwa shisheeye waxaa kamid ah duqeymaha tooska ah, waxaana la xusuustaa duqeyntii khasaaraha geystay ee bilo kahor lagu asqeeyay saldhiga Xalane oo ay deggan yihiin hey’ado iyo shisheeye badan oo ay Qaramada Midoobay kamid tahay.

Duqeyntaas waxay sababtay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona Qaramada Midoobay ay markaasi dhintay tirada shaqaalaheeda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular