
Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay weerarkii habeenkii xalay ciidamadooda ay ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Wuxuu Afhayeenka sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen inta badan degmada Balcad, xabsigana kasii daayeen maxaabiis si dulmi ah ugu xirnaa halkaas, sida uu hadalka u dhigay.
Sheekha wuxuu sidoo kale ka hadlay isbedellada ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Gedo iyo Shabeellaha hoose, halkaas oo deegaanno kamid ah ay isaga baxeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Soomaalida ee joogay.
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda ay dagaal adag la galeen ciidamada dowladda ee joogay Dhanaane, taasna ugu dambeyn ay sababtay iney goobta kaga firxadaan.
Sidoo kale, Sheekh Abuu Muscab ayaa ka hadlay ka bixitaankii ciidamada Kenya ee deegaanka Buusaar, kaas oo 40 km u jira magaalada Ceel-waaq, wuxuuna sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen deegaanka.