HomeAll newsAl-Shabaab Oo dagaal kula wareegay Balcad.

Al-Shabaab Oo dagaal kula wareegay Balcad.

Askari katirsan Al-Shabaab oo ku sugan xarunta maamulka Balcad.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ugu dambeyn la wareegeen.

Dagaalka oo dhacay habeenkii xalay ayaa goobjogayaal waxay noo sheegeen inuu ahaa mid culus, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab-na ay si fudud kula wareegeen guud ahaan degmada.

Warar horudhac ah oo aan saaka heleyno ayaa sheegaya dhimashada 2 askari, iyadoona Mujaahidiintu gubeen 4 gaari oo uu lahaa maamulka degmada.

Mas’uuliyiinta degmada oo uu ku jiro gudoomiyaha ayaa si dirqi ah kaga badbaaday weerarka ay xalay Balcad ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, mana jirin wax gurmad ah oo ay ciidamada dowladda ka heleen ciidamada Shisheeyaha.

Balcad waxaa lagu xusuustaa weerarkii weynaa ee ay ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada, walow markii dambe ay kasoo baxeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular