Qof hubeysan ayaa weerar ku qaaday muwaadiniin u dhashey wadanka Holand oo kamid ah wadamada reer galbeedka, waxaana weerarkaas ka dhashey khasaare dhimasho ah.
Weerarka waxaa uu ka dhacay magaalo lagu magacaabo Utrecht oo kamid ah wadanka Holand, waxaana qofka weerarka fuliyay uu si gaar ah u beegsaday tareennada waaweyn ee ay dadka raacaan.
War kasoo baxay Police-ka waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen weerarka, iyadoona uu baxsaday fuliyaha weerarka.
Police-ka waxay sidoo kale sheegeen in weerarkan uu fuliyay nin u dhashey dalka Turkiga, kaas oo hubeysan, waxayna ku baaqeen in la iska ilaaliyo maadaama ay ku tilmaameen inuu yahay “qof halis ah”.
Holand waxay sheegtay iney macquul tahay in weerarka uu yahay waxa ugu yeereen “Weerar argagaxiso” ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo qofka fuliyay weerarka.