Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada islaamka ee gobolka Jubbooyinka ayaa fulisay xukun xadd gacan goyn ah, kaas oo lagu fuliyay rag lagu soo eedayay iney ku kaceen fal xatooyo.
Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Saakow ayaa soo dacweeyay labo nin oo lagu kala magacaabo Cabdul-qaadir Maxamed Aadan oo 19 jir ah, iyo Cabdi Maxamed Xasan oo 24 jir ah, kuwaas oo ay ku eedayeen iney jabsadeen goobo ganacsi oo ku yaala Saakow.
Raggan ayaa qaatay Alaab kala duwan oo qiimo ahaan marka la isku daro gaareysa 6874 kun oo shilin Soomaali ah.
Kadib markii ay qirteen falka ay ku keceen ee tuuganimada ah ayaa maxkamadda islaamiga ee Jubbooyinka waxay xukuntay in laga gooyo min hal gacan, waxaana fulinta xukunka uu ka dhacay fagaare ku yaala magaalada Jilib.