Wararka ka imaanaya dalka Burkina-Faso ayaa ku waramaya in weerar xoogan lala eegtay ciidamo katirsan dowladaas, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah wadanka Burkina.
Warar la helayo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay 4 askari oo katirsan ciidamada la dagaalanka “Argagaxisada” ee xukuumadda Burkin-FASO, halka sidoo kale la dhaawacay 5 kale.
Weerarka khasaaraha dhaliyay wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Nasunbo oo dhaca wuqooyiga dalka Burkina-FAASO.
Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa ka howlgasha inta badan wadamada dhaca saxaraha iyo saaxilka galbeedka Africa, waxaana horey ay u sheegtay mas’uuliyadda howlgallo ka dhacay wadankaas.
Burkina-Faaso waxay ciidamo ka joogaan dalka Maali, kuwaas oo ka hoos dagaallamaya dowladda Faransiiska oo duulaan diin la dirir ah kusoo qaaday dalka muslimka ah ee Maali.