Batric Shanhan oo ah sii hayaha wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka ayaa maanta oo isniin ah wuxuu booqasho aan horey loo sii shaacin wuxuu ku tagay dalka Afqaanistaan, halkaas oo ay ku suganyihiin kumanaan askari oo katirsan ciidamada Maraykanka.
Shanhan ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweynaha xukuumadda Kaabul Ashraf Qani, iyo masuuliyiin kale, isagoo kala hadli doona xaaladda dalka, kadib ka bixintaa la filayo ee ay ciidamada Maraykanka kaga baxayaan wadanka Afqaanistaan.
Batric Shanahna wuxuu sheegay inuu u gudbin doono madaxweynaha Maraykanka Donlad Trump waxyaabaha uu uga soo baxo booqashadiisa, waxaana masuulkan Maraykanka ah uu kuur geli doonaa xaaladda guud ee ciidamada Maraykanka.
Siyaasiyiin badan oo Ameericaan ah ayaa rumeysan in booqashada sii hayaha wasaaradda gaashandhiga Maraykanka ee Afqaanistaan ay tahay mid u gogol xaaraysa ka bixitaana ciidamada Maraykanka ee wadankaas.
Maraykanka ayaa u muuqda mid ka daalay dagaallada uu kaga jiro wadamada caalamka Islaamka, sidaas darteedna wuxuu doonayaa inuu ka dhamaado wadamada Caalamka Islaamka, taas oo guul u ah dadka Muslimiinta iyo Mujaahidiinta.