Barqanimadii maanta, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal katirsan dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Farmaajo.
Goobjoogayaal ku sugnaa xaafadda Siigaale ee degmada Hodan oo ah halka uu dilku ka dhacay ayaa Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan u xaqiijiyay in rag hubeysan ay toogteen masuul katirsan dowladda oo watay gaari nooca raaxada ah.
Sarkaalka la dilay waxa uu katirsanaa Xeer ilaalinta dowladda federaalka, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal.
Raga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana goor dambe soo gaaray halka uu dilku ka dhacay ciidamo katirsan dowladda oo qaaday meydka sarkaalka la dilay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan lagu dilay Maxamed Mursal oo ah masuul katirsanaa Xeer ilaalinta dowladda federaalka.
Dilalka qorsheysan ee Muqdisho loogu geysanayo saraakiisha iyo xubnaha dowladda federaalka ayaa joogta ah, waxaana dowladda federaalka ay u taag heli la’dahay ka hortaga dilalkaas qorsheysan.