HomeAll newsSaraakiil sar sare oo katirsan dowladda Oo ku le'day Qarax ka dhacay...

Saraakiil sar sare oo katirsan dowladda Oo ku le’day Qarax ka dhacay Shabeellaha-Hoose.

Korneel Cabdi-Salaan Kurjow.

Qarax aad u xoogan ayaa maanta lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose saraakiil sar sare oo katirsan milliteriga dowladda federaalka.

Inta u dhexeysa deegaannada Dhanaane iyo Jazeera ee dhaca wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marko ayaa waxaa ka dhacay qarax culus oo lagu burburiyay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen saraakiil sar sare oo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo dhamaantooda goobta ku quur baxay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan lagu dilay Abaanduulihii ciidamada 12-ka April oo katirsan ciidamada dowladda Korneel Cabdi Salaan Aadan Kurjow iyo Gaashaanle sare oo magaciisa lagu soo koobay Caddow.

Warar kale oo madax banaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale saraakiisha ku dhintay qaraxa uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Korneel Cabdi-raxmaan Jimcaame Muuse oo ah madaxa saadka iyo dhaqaalaha ee guutada koowaad ee ciidamada dowladda federaalka.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay guud ahaan ciidamadii ilaalada iyo istaafka u ahaa saraakiisha la gumaaday, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan qaraxa ah ee lagu laayay saraakiil katirsan dowladda.

Qarax bishii Dec. ee 2018-dii ka dhacay wadadan ayaa lagu dilay Taliyihii guud ee ciidamada 12-ka April General Cumar dheere iyo abaanduulihii ciidamadaas oo isagana lagu magacaabo Cabdi Cali Jamaame.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular