Howlgal gaar ah oo ka dhacay dalka Afqaanistaan ayaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan xukuumadda Kaabul, si dhowna ula shaqeynayay ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadankaas.
Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa howlgal ay ka fulisay magaalada Kaabul waxay ku dishey madixii guutooyinka gaarka ah ee mukhaabaraadka xukuumadda Kaabul ninka lagu magacaabo Feyruuz Khaan.
Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, waxaana uu ka dhacay xaafadda Company ee magaalada Kaabul, halkaas oo ah deegaan si aad ah loo ilaaliyo amaankiisa.
Xukuumadda Kaabul ayaa aad uga walaacday dilka taliyahan, kaas oo laf dhabar u ahaa howlgallada iyo dagaallada ka dhanka ah Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale aad uga dhawaa ciidamada Maraykanka, waxaana dilkiisa la filayaa inuu saameyn ku yeesho ciidamada Maraykanka, maadaama ay waayeen qof daacad u ahaa, kana go’neyd dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta.